Articles

Ku camal falka sunnada iyo axaadiista Rasuulka


 s.c.w waa waajib Qofkii inkirana wuu gaaloobay


 Waxaa Qoray


 Samaaxatu Sheekh


 Cabdul Caziiz bin cabdillaahi bin baaz


 Ilaahay ha'unaxariistee


Waxaan ku bilaabayaa Magaca Allaah Ee Naxariista Naxariis guud (Muslim iyo Gaalba, Dad iyo


 Duunyaba) mid gaar ahna ugu naxariista Mu'miniinta (Maalinta Aakhiro).


 Hordhaca Kitaabka:


 Mahad iyo amaan oo idil waxaa leh Ilaaha Caalamka Rabiga u ah, Cidhibta Wanaagsana waxaa leh


 kuwa ilaahay ka cabsada, Naxariis iyo nabad galyo hayeelo adoonkiisa iyo Rasuulkiisa Nabi Muxamed


 korkiisa, oo ahaa naxariis loo soo diray caalamkoo idil iyo inuu ku noqdo Xujo adoomada dhamaantood


 (oo ah inuu gaarsiiyay diinta), iyo ehalkiisa iyo asxaabtiisa kuwaasoo xanbaaray kitaabkii Rabbigood iyo


 sunnadii Nabigood s.c.w una xanbaaray dadkii ka danbeeyey si amaano iyo sugnaasho ku dheehan


 tahay, iyo Ilaalin dhamaystiran ah xaga odhaahda iyo macnahaba ah-Allana wuu ka raali noqday wuuna


 raali galiyay- hana naga dhigo kuwii wanaaga kuraacay.


 intaa kadib:


 Culimadii hore iyo kuwii ka danbeeyey waxay isku raaceen in asalka la sugay oo la qaadanayo markii


 axkaamta la sugayo ama la cadeenayo xalaasha iyo xaaraanta uu yahay kitaabka ilaahay Ee sharafta


 badan kaasoo hortiisa iyo gadaashiisa uusan imaan karin wax baadil ah, kadib waxa dalill ah Sunnada


 rasuulka s.c.w Nabiguna kuma hadlo hawadiisa ee waan waxyi uun, kadib daliiku waa culimada isku


 tagooda (ijmaacooda), intaa ka dib waxayna culimadu isku khilaafeen asallada kale sida Qiyaaska,


 (waana halbeeg looga qiyaas qaato xukun xukun kale), culimda badankoodna waxay ku tageen in uu


 Qiyaasku yahay xujo la daliilshan karo hadii shuruudiisa laga rabay la dhamaystiro, usuushaasi la


 sheegey daliilalooda lama soo koobi karo waana iska caan oo sheegid uma baahno:


 USUUSHALACUSKANAYOMARKALASUGAYO


 AXKAAMTA:


 ASALKA KOOWAAD: KITAABKA ILAAHAY EE SHARFAN


 Asalka koowaad wuxuu yahay kitaabka ilaahay Ee sharafta badan


 Hadalka rabigeen in badan wuxuu natusay meela badan oo quraanka kamid ah in ay waajib tahay in la


 raaco kitaabkaan luguna dhego lana dul istaago xadkii uu dhigay oo aan la dhaafin.


 Ilaahay koreeye wuxuu yidhi:


 (Raaca quraanka laydinka soo dajiyey xaga rabigiina Hana raacina wax aan isaga ahayn yaraase inta


 aad kuwaansamaysaan).


 Ilaahay kor ahaaye wuxuu yidhi:


 (Kani waa Kitaab aan idiin soo dajinay oo la barakeeyay Ee dadow Raaca Kana dhowrsada xaaraanta


 waxaa xaq ah in laydin naxariisanayo)


 Ilaahay kor ahaaye wuxuu yidhi:


 (Waxaa idiin yimid (ehlu kitaabow) Rasuulkayagii oo idiin cadeenayo in badan oo aad qariseen kutubtaas


 (sida wayaabihii ay badaleen) in badana wuu ka uumusayaa waxaa dhab ah inuu idinka yimid xaga Rabi


 nuur iyo kitaab cad.


 Ilaahay wuxuu ku hanuuniyaa cida raacda raali ahaanshihiisa wadada toosan wuuna kasaari mugdiyada


 una saari dhanka nuurka idankiisa kuna hanoonin wadada Toosan


 ilaahay kor ahaaye wuxuu yidhi:


 kuwii ka gaaloobay quraanka markuu u yimid (waa la cadaabi) kitaabkanina waa mid sharaf leh


 (wax baadil ahna hortiisa iyo gadaashiisa mayimaado waa quraan ka soo dagay xaga Ilaaha xikmada


 badan lana mahdiyo).


 ilaahay kor ahaaye wuxuu yidhi:


 (Waxaa lay waxyooday aniga (muxamed) ah quraankan inaan idiinku digo idinka iyo ruuxa uu gaadhaba)


 ilaahay kor ahaaye wuxuu yidhi:


 (Quraankani waa ogaysiin iyo gaarsiin dadka la gaarsiinayo looguna digayo)


Aayadaha macnahaas ku tusayaana way badan yihiin, sidoo kale waxa jira axaadiis ka sugnaatay


 rasuulka s.c.w oo na amraysa qabsashada qur'aanka iyo ku dhaganaan shihiisaba, taasina waxay ku


 tisinaysaa in cidii raacda quraankaas uu ku sugan yahay hanoon kii ka tagana baadi


 axaadiistaa waxaa kamid ah in uu Nabigu s.c.w khudbadiisii Xajatu wadaac ku yidhi:


 (Waxaan idiinka tagayaa dhexdiina shay hadaad qabsataan aydaan lumayn waana kitaabka ilaahay)


 waxaa saxiixiisa ku wariyey muslim


 waxaa kusugan saxiixu muslimka sidoo kale oo laga wariyey zeyd bin Arqam r.c. inuu nabiga s.c.w yidhi:


 anigu waxaan idiinka tagay laba culus kan koowaad waa kitaabka ilaahay waxaana kusugan hanuun iyo


 nuur ee qaata kitaabka kuna dhega


 wuxuuna kubooriyay kitaabka ilaahay kadibna wuxuu yidhi:


 iyo ahlu-beytkayga, ilaahayna waan idinku xasuusinayaa inaad ilaalisaan ehlu-baytkayga (xaqooda).


 Odhaah kale waxa ku sugan inuu yidhi quraanku:


 waa xariga ilaahay qofkii qabsadana wuxuu ku suganyahay hanuun dushii qofkii ka tagana baadi buu ku


 suganyahay.


 axaadiista sidaa tilmaamayo way badanyihiin, Waxay isku raaceen ehlu cilmiga iyo ehlu iimaanka ee


 Saxaabada ah iyo kuwii ka danbeeyey inay waajib tahay qabsashda kitaabka ilaahay oo laysku xukumo


 iyo sunnada rasuulka s.c.w, hadalkaasaana nagaga filan inaan ku dheeraano daliilooyinka badan ee ku


 soo arooray arintan.


 Asalka labaad waa wixii ka ansaxay rasuulka iyo saxaabada iyo culimadii kadanbeeyey


 Asalka labaad: wuxuu kamid yahay sadexda asal ay culamadu isku Raaceen ee nabiga n.n.k.h iyo ehlu


 cilmigii ka danbeeyayba ka sugnaaday, waxayna rumaynayaan asalkaa wayna ka dhiganayaan xujo


 wayna barayaan umada, waxayna Culimadii arinkaa ka qoreen kutub badan wayna ku cadeeyeen


 kutubta usuulu fiqhiga iyo mustalax xadiiska ah addilada arinkaa tusinaya lama koobi karo badnaan


 darteed. waxaa kamid ah wixii ku yimid kitaabka oo ah in la is faray raacida iyo adeecida rasuulka


 amarkaasna wuxuu ku wajahnaa ama uu ku socdaa dadkii waqtigiisa joogay iyo kuwii ka danbeeyey,


 waayo waa rasuulkii ilaahay ee loo soo diray iyagoo dhan. waana la faray raacida iyo adeeca rasuulka


 inta ay qiyaamo ka iman. waayo nabiga s.c.w isaga fasiray wax kasta oo kitaabka Ilaahay uusan


 faahfaahin oo lasoo koobay, wuxuuna ku cadeeyey hadalkiisa iyo ficilkiisa iyo wixii la sameeyey uusan ka


 hadlin. hadaysan jirin wax xadiis ah muslimiinta maysan garteen tirada rakcadaha salaada iyo qaabka loo


 tukado iyo waxa dhexdeeda ku waajiba . sidoo kale magarteen soonka axkaamtiisa iyo zakada iyo xajka


 iyo jihaadka iyo isfarida wanaaga iyo iska reebida munkarka iyo axkaamta wada dhaqanka iyo


 waxyaabaha xaaraanta ah iyo wixii waajibinayay xuduuda iyo cuquubaatka ilaahay.


 ee ku soo arooray qur'aanka.


 aayadaha tusina arintaasna waxaa kamid ah hadalkii ilaahay ee suuratu Aal cimraan:


 (adeeca ilaahay iyo rasuulkaba waxaa xaq iyo dhab ah inuu ilaahay idiin naxariisanayo)


 iyo Qowlkii ilaahay Ee suuratu An-nisaa:


 (kuwa xaqa rumeeyow adeeca ilaahay iyo rasuulka iyo kuwa waliyi amri idiin ah, hadaad isku khilaaftaan


 arina uceliya ilaahay (kitaabkiisa) iyo rasuulka (sunnadiisa) hadaad tihiin kuwa rumeeyey allaah iyo


 maalinta danbe sidaas baa idiin khayr badan una wanaagsan cidhibtiina danbe)


 iyo qowlki Ilaahay ee suurada An-nisaa sidoo kale:


 (qofkii adeeca rasuulka wuu adeecay ilaahay qofkii jeestana (wuu khasaari) adigana muxamadow kuma


 saarno waxaan ka ahayn gaarsiinta diinta)


 sidee bay u suurta u tahay in la adeeco rasuulka oo aan loo celinayn wixi ay dadka isku khilaafaan


 kitaabka allah iyo sunada rasuulka, hadiiba aanay sunadiisu xujo noqonayn ama aan la ilaalinba hadii


 hadalkaa aanuu qaadano waxa ay noqonaysaa in la ilaahay inooga dhigay marjic loo noqdo meel aanan


 waxba jirin arinkaana waa kan ugu baadilsan ugu gaalnimadiisuna wayn tahay iyo Eebo oo laga malaysto


 wax aan suurto gal ahayn


 iyo Qolkii ilaahay Ee suuratu An-naxli


 (Quraanka ayaan kugu soo dejiney nabi Muxamadow si aad dadka u bartid quraanka lagu soo dejiyey


 markaas waxay mudan yihiin inay fakiraan)


 Ilaahay sidoo kale wuxuu ku yidhi suuradaas:


 (kumaanaan soo dajin Quraanka korkaaga ilaa si aad dadka ugu cadaysid waxay isku khilaafeen


 dhexdiisa quraankuna wuxuu hanuun iyo naxariis u yahay dadka iimaanka leh)


 siday usuurta gali in uu ilaahay u wakiisho rasuulka cadeenta diinta iyo sunadiisa ayagoo waxaan jirin


 ama aan xuja ahayn?


 waxaa sidoo kale lamid ah qowlka ilaahay Ee suuratu al-Nuur:


(Nabi muxamadow ku dheh adeeca ilaahay iyo rasuulka haday jeestaan waxaa saaran dusha nabiga


 waxii lasaaray oo kaliya idinkana wixii dushiina lasaaray hadaad nabiga adeecdaan waad hanuunaysaan


 rasuulkana waxaa laga raabaa uun gaarsiinta diinta)


 wuxuu ku yidhi isla suurada:


 (ooga salaada zakadana bixiya rasuulkana adeeca waa xaq in la idiin naxariisanayo)


 wuxuu ilaahay ku yidhi suuratul-acraaf:


 (Ku dheh nabi muxamadow dadow anigu waxaan idiin ahay dhamaantiin rasuulka ilaahay Ilaahaas oo ah


 kan hanta cirarka iyo dhulka mana jiro illaah xaq lugu caabudo aan ahayn isaga kaligii isagaa wax dilla


 waxna nooleeya ee rumeeya ilaahay iyo rasuulka Ummiga ah kaasoo rumeenaya ilaahay iyo


 weedhihiisaba ee dadow raaca nabigaas waad hanuunaysaan)


 aayadahaas waxay daliil cad u yihiin in hanuunku iyo naxariista ay ku jirto raacida nabiga marka siday u


 suurta gali inaan lugu camal falin sunadiisa ama la yiraahdo sunada wax sax ah ma'aha ama la cuskan


 karo


 ilaahay wuxuu ku yidhi suuratu an-nuur


 (Haka digtoonaadaan kuwa khilaafaya amarka nabi mmuxamed inay ku dhacdo fitno ama cadaab xanuun


 badan).


 wuxuu ilaahay ku yidhi suuratul xashri


 (wuxuu rasuulka idinla yimaado qaata wuxuu idinka reebana kareebtoona)


 Aayadaha macnahaa sheegaya way badanyihiin dhamaantoodna waxay tilmaamayaan inay waajib tahay


 in la adeeco nabiga lana raacana diinta uu layimid sidii noogu soo hormartay daliilo tusinaya


 waajibnimada raacida kitaabka ilaahay iyo adeecida waxyaabaha uu amray ama uu reebay labadaasna


 asalna makala maarmaan qofkii diida mid kamid ah kan kalana wuu diiday wuuna beeniyay arintaasna


 waa gaalnimo iyo baadi siday isku waafaqeen ehlu cilmiga iyo iimaanka.


 oo ah axaadiistii laga wariyey nabiga


 axaadiis mutawaatir ah ayaa laga wariyey in ay waajib ay tahay adeecidiisa iyo raacida wuxuu la yimid


 iyo xaaraantinimaynta in la caasiyo waana waajib saaran qof waliba oo joogay waqtigii nabiga iyo qof


 kasta oo imaanaya inta qimaama laga gaari, waxaa kamid ah xadiis labada saxiix kuyaalao laga wariyey


 abuu hureera in nabiga s.c.w uu yidhi:


 qofkii i adeeca ilaahay ayuu adeecay qofkii i caasiyana ilaahay ayuu caasiyay


 waxaa kusugan saxiixul-bukhaariga in abuu hureera wariyey in nabiga s.c.w uu yidhi:


 (Umadayda dhan janada ayay galayaan qofkii diida mooyee waxaa rasuulka loo yidhi waa kuma qofka


 diidaya janada? wuxuu yidhi: qofkii i adeeca janada ayuu galayaa qofkii i caasiyana wuu diiday janadii)


 wuxuu soo saaray Axmed iyo abuu daawuud, xaakimna sanad saxiix ah kaga warinayaa Miqdaad bin


 macdii karib in uu rasuulka ka wariyey inuu yidhi:


 waxaa lay siiyay kitaabka iyo wax lamid ah waana sunadadeeda waxaana dhaw in uu nin dharagsan oo


 kudangiiga sariir yidhaahdo qabsada quraanka kaliya waxaad kaheshaana oo xalaal ah xalaalaysta wixii


 xaaraan ahna xaaraan kadhigta


 wuxuu soosaaray abuu daawuud iyo ibnu maajah Zanad saxiix ah in laga wariyey ibnu abii raafic isagna


 aabihiis uu kawariyey in uu nabiga yidhi:


 (yaan helin qofkiin oo kudangiiga sariir qurux badan oo u imanaya arin diinta kamid ah oo ah waxaan


 amray ama aan ka reebay oo kadiban oranaya waxaan kitaabka ilaahay ka helno uunbaan raacaynaa


 Xasan bin jaabir waxaa laga wariyey inuu yidhi waxaan maqlay miqdaad bin Macdii-karib r.c oo oranaya:


 Rasuulku s.c.w wuxuu xarimay maalintii khaybar waxyaalo kadibna wuxuu yidhi: qofkiin wuxu u


 dhawyahay inuu i beeniyo isagoo dangiiga xadiis aan leeyahay ayuu kasheekeen uu oran dhexdeena iyo


 dhexdiina waxaa ah kitaabka ilaahay waxaan kahelno oo xalaal ah waan ka xalaaldhiganaynaa wixii


 xaaraan ahna waan iska xarimaynaa, ee ogaada wuxuu rasuulka ilaahay xarimo wuxuu lamid yahay


 wuxuu ilaahay xarimay


 waxaa soo saaray al xaakim iyo tirmidi iyo ibnu maajah zanad saxiix ah


 axaadiis badan oo mutawaatir ah ayaa rasuulka laga wariyey inuu asxaabtiisa u dardaami jiray


 khudbadiisa inay dardaarankiisa gaarsiiyaan kuwa kamaqan wuxuu yidhi: waxaa badan in qofka wax


 lagaarsiiyay uu ka xafid iyo weelayn badan yahay kii dhagaystay xadiiska


 waxaa kamid ah xadiis saxiixeenka ku jira in rasuulka s.c.w markuu ka qudbeeyey xajatul wadaac maalitii


 carafo iyo maalintii gowraca uu ku yidhi:


 kan jooga ha gaarsiiyo kan maqan waxaa badan in kan wax lagaarsiiyay uu ka weelayn badan yahay kii


 dhagaystay xadiiska


 hadii ayna sunada iyo axaadiista xujo ku noqonayn ruuxii maqlay iyo kii lagaarsiiyay, hadaysan baaqi


 noqonayn ilaa inta laga gaarayo qiyaamaha muusan amri lahayn in lagaarsiiyo, waxaana halkaa laga


ogaan inay sunadu tahay mid xujo ku ah cidii ka maqasha afka nabiga scw iyo cidii lagu gaarsiiyaba


 sanad (dariiq) saxiix ah


 Saxaabada Rasuulkuna scw waxay inoo ilaaliyeen sunadiisa, mida ah hadalkiisa iyo ficilkii uu


 sameeyayba wayna gaarsiiyeen dadkii ayaga kadanbeeyey oo taabiciinta ahaa taabiciintiina way sii


 gaarsiiyeen kuwi kadanbeeyey, sidaas oo kale ayay culimada lugu kalsoon yahayna usoo gudbiyeen jiilba


 jiil qarniba qarni kutubtoodaydana kusoo ururiyeen oo ay kala cadeeyeen mida saxiixa ah iyo wixii daciif


 ah waxayna udajiyeen si loo garto sunada mida saxda ah iyo mida daciifka ah qawaaniin u dhaxaysa


 dhexdooda oo lugu kala garto arinkaa Ehlu cilmiga waxay arinkaa ku wariyeen kutubtooda wayna ka


 xafideen dhamaan kuwa raba in ay wax ka badalaan iyo kuwa diin-laawayaasha ah iyo kuwa baadilka ku


 suganba, siduu ilaahayba uu u xafiday kitaabkiisa iyadoo laxaqiijino hadalka ilaahay:


 (anaga (Ilahay) ayaa soo dajinay quraanka anaga ayaana xifdiyayna)


 Shakina kum jiro in sunada Rasuulkuna (s.c.w) ay tahay waxyi lasoo dajiyey ilahayna wuu xafiday sida


 kitaabkiisa oo kale wuxuuna u soo saaray culimo wax kala sooca oo ka ilaaliya dadka xun waxay ka


 badalaan iyo kuwa jaahiliinta ee sida xun wax u fasirta iyo beenaalayaasha, waayo ilaahay wuxuu ka


 yeelay sunada mid fasiraysa wixii kitaabka aan lagu balbalaadhin oo axkaam ah, sidoo kale waxay


 xanbaarsan tahay axkaam kale oo aan lugu cadayn kitaabka, tusaale ahaan axkaamta nuujinta hooyada


 iyo qaybo kamida dhaxalka, iyo inay xaaraan tahay in lawada guursado haweenay iyo edadeed ama


 habaryarteed iyo waxyaaba kale oo badan oo aan lagu faahfaahin quraanka ayay cadaysay sunadu.


 oo ah wixii kasoo arooray asxaabta iy taabiciinta iyo kuwii kadanbeeyey oo kamida ehlu cilmiga


 Hadii aan ka bixino tusaaleyaal ka soo arooray saxaabada iyo taabiciyiintiiba sida ay u waynayn jireen


 Sunada waxa ka mida:


 labada saxiix waxay wariyeen in abii hureeraAllaha ka raali noqdee:


 markii uu dhintay Rasuulka ilahay scw oo ay dib u gaaloobeen qaar kamid ah carabta wuxuu yidhi abuu


 bakar:


 wallaahi waan la dagaalami qofkii kala qaada salaada iyo zakada


 Cumar baa ku yidhi: Allaha ka raali noqdee


 sideebaad ula dagaalami isagoo nabiga scw yiri:


 waxaa lay amaray inaan la dagaalamo dadka ilaa ay ka qiraan ilaah xaq lugu caabudo inuusan jirin ilaaha


 (wayn) mooyee haday qiraan midaas waxay iga ilaaliyeen dhiigooda iyo maalkooda wixii loogu leeyahay


 waajib mooyee (sida zakada)


 Abuu bakar wuxu yidhi:


 Zakadu miyayna ahayn xaqqaas, ilaah baan ku dhaaranayaaye haday ii bixin waayaan wax yar oo ay siin


 jireen rasuulka s.c.w waan kula dagaalami diidmadaas.


 cumar baa ku yidhi: (R.C) waxaan ogaaday in ilaahay ku iftiimiyay laabta Abuu bakar la dagaalanka


 kuwaas, xaqna ku taagan yahay Abu bakar saxaabadiina way ku raaceeb arinkaa wayna la dagaalameen


 kuwii ridoobay ilaa ay kusoo celiyeen islaamka intii diidayna way laayeen qisadaas waxay daliil u tahay


 waynaynta sunada iyo waajibnimada ku camal falkeeda waxaa u yimid ِِAbu bakar ayeeyo waydiinayso


 dhaxalkeeda wuxuu ku yidhi: kitaabka ilaahay kuma ogi dhaxalkaaga mana ogi in Rasuulka ilaahay scw


 inuu wax siiyey ayeyda laakiin dadka ayaan waydiinayaa, markuu waydiiyay saxaabada qaarkood baa


 umarqaati noqday in uu nabiga s.c.w uu siiyey ayayda sudus (lix meelood meel) sdii ayuu isagna u


 xukumay. cumarna wuxuu ahaa mid udardaarma shaqaalihiisa in dadka ay ku kala xukumaan kitaabka


 ilaahay hadii ay ka waayaana sunada Rasuulkiisa scw. markii Cumar rc. shaki ka galay xukunka


 uurku-jirka lagaga soo rido hawaynada si xad gudub ah isagoo mayd ah, saxaabada ayuu weediiyey


 arintaas, waxaa marqaati kanoqday maxamed bin maslamah iyo muqiira bini shucbah rc. in nabigu s.c.w


 uu kuxumay arinkaa adoon yar qiimahiisa Cumarna rc sidii oo kale ayuu xukumay


 markii uu cuthmaana shaki kagalay haweenaydii laga dhintay meesha ay kucida baxayso ayaa waxa u


 warantay Fureeca bintu maalik oo ahayd abuu siciid walaashii in uu nabiga scw amray inay kunagaato


 guriga ninkeeda kadib markii uu ka dhintay odaygeedii ilaa cidada ay kabaxayso, sidii ayuuna qaatay oo


 uu kuxumay.


 sidaas oo kale ayuuna kuxumay in lagaga oofiyo xadka ninkii Waliid bin Cuqbah ee cabay khamriga


 markii ay soogaartay Cali rc. in uu cuthmaan rc. uu diidan yahay nooca xaj mutcah lala yimaado ayuu


 Cali mutcadii soo xidhay, (si uu u tuso in ay banaan tahay) wuxuuna yidhi ugama tagayo sunada rasuulka


 qof hadalkiisa, markii ibnu cabaas lugu yidhi in Abu bakar iyo Cumar u arkayaan in xajka kaligiis ah ka


 fadli badan yahay midka mutcada ah, wuxuu yidhi: waxaa dhaw in samada laydinka dhagaxeeyo waxaan


 idinku leeyahay rasuulkii baa yidhi idinkuna waxaad i leedihiin abuubakar iyo cumar baa saa yidhi. hadii


 qofkii qaatay hadalka Abubakar iyo Cumar ee khilaafay sunada looga baqay cuquubo, bal sidee ayuu


 noqon xaalka qofka aan qaadan hadal ayna odhan labadaasi amaba raacay wixii hawadiisu u yeedhisay.


markii dadka qaarkii kula doodeen C/laahi bin Cumar R.c. qaybo ka mid ah sunada, wuxuu ku yidhi: Ma


 waxaa nala amray in aan raacno Cumar mise sunada?


 Markii nin ku yidhi Cimraan ibnu Xuseen r.c quraanka kaliya nagu waani isagoo ku waaninaya sunada


 aad ayuu ku cadhooday wuxuuna yidhi: Sunadu waxay fasiraysaa kitaabka ilaahay, hadii aysan jirina


 maanaan garaneen in duhurku yahay afar rakcadood, maqribkuna sadex fajrigana labo zakadana wax


 badan kamaanan ogaan lahayn, iyo arimo kale oo sunadu cadaysay xukunkeeda.


 iyo wixii laga soo wariyey saxaabada oo ah in lawayneeyo sunada rasuulka scw. waajibna tahay kucamal


 falkeedu iyadoo laga digtoonaanayo in la khilaafo, waxaa sidoo kale kamid ah in Cabdilaahi bin Cumar


 markuu sheegay hadalka nabiga s.c.w gabdhaha adoomada ilaahay ah ha u diidina masjidyada ilaahay


 wiilashiisa qaar kamid ah baa yidhi: walaahi waan u diidaynaa wuuna ku xanaaqay aadna wuu u hiifay


 wuxuuna yidhi: waxaan idin leeyahay rasuulka scw ayaa sidaa yidhi adna waxaad leedahay waan u diidi,


 sidoo kale markuu Cabdilaahi ibnu muqafal qaar kamid qaraabadiisa oo tuuray far-gan (finiin) wuu ka


 reebay arintaas ibnu cumar wuxuu ku yidhi: nabigu s.c.w wuu reebay in wax la tuuro wuuna yidhi:


 far-ganku ugaadha na kuuma dilayo cadawgana kaama celinayo laakiin wuxuu tuuraa iliga iyo isha kadib


 markale ayuu ku arkay isagoo wax tuuraya oo ku yidhi walaahi markale kulama hadlayo, waxaan kuu


 sheegay in Rasuulku scw reebay tuurista adiguna waad ku laabatay?


 Al beyhaqi wuxuu soosaaray in Abuu ayuub Al sukhtiyaani oo taabici ahaa yidhi:


 Hadaad nin uga sheekayso sunada oo uu ku yidhaahdo naga daa midaas oo quraanka uun nooga waran


 oo ogoow iinuu baadi ku suganyahay,


 Alawzaaci wuxu yidhi: sunadu waxay dabarr iyo cadayn u tahay kitaabka ilaahay iyo axkaam aan lugu


 sheegin


 Ilaahay s.w wuxuu yidhi: {Quraanka ayaan kugu soo dejiney si dadka ugu cadaysid wixii lagugu soo


 dejiyey waxay mudan yihiin inay fakiraan}


 waxaan hore u sheegnay in Rasuulku scw, yidhi:


 baraarugaay waxaa lay siiyey kitaabka iyo wax lamid ah (sunada rasuulka)


 Albeyhaqi wuxuu soo saaray in Caamir Alshacbi uu ku yidhi dadka badhkood: waxa idin halaagay marka


 aad katakteen wixii soo arooray oo looga jeedo Axaadiista saxiixa ah Albeyhaqi waxa kale ee uu soo


 saaray oo uu ka wariyay Alawzaaci in uu ku yidhi asxaabtiisa qaar kamida: haduu idinka soo gaaro


 Rasuulka ilaahay scw, xadiis waxaan kaaga digayaa inaad dhahdo waxaan xadiiskaa ahayn, ogaada


 Rasuuku wuxuu ina soo gaadhsiinayaa waxyi ilaahay.


 Albeyhaqi waxa kale oo uu ka wariyay Imaamka wayn ee Sufyaan As-sawri in uu yidhi: cilmiga


 dhamaantii waa barasha midka soo arooray


 Imaam Maalik wuxuu yidhi qof walba oo naga mida hadalkiisa waa la qaadan waana la diidi marka laga


 reebo qofka qabrigaas ku jira, wuxuuna gacanta ku fiiqan qabriga Rasuulka scw.


 Imam Abu Xaniifa wuxuu yidhi:


 haduu xadiiska kaaga yimaado rasuulka Ilaahay scw madaxa iyo indhaha saaro


 Imam Shaafici wuxuu yidhi:


 hadaan ka wariyo Rasuulka ilaahay scw xadiiis saxiixa oo aanan ku camal falin waxaad marag ka


 noqotaan inuu caqligaygu tagay


 waxa kale oo uu yidhi Shaafici:


 hadaan ku hadlo hadal oo uu idiinka yimaado Rasuulka scw xadiis hadalkayga waydaarsan,


 hadalkaygaas ku tuura gidaarka


 Imaam Axmed wuxuu ku yidhi qaar ka mid ah ardaydiisa:


 ha'igu dayanin aniga ama Imaam Maalik ama Imaam Shaafici ee waxaad cilmiga kaqaadataa meesha ay


 kaqaateen,


 Waxa kale oo uu yidhi:


 waxaan layaabay dad ogaaday Zanadka xadiiska iyo saxiixnimadiisa oo hadana u leexanaya dhanka


 hadalka Sufyaan, Ilaahayna sw wuxuu leeyahay:


 (Haka digtoonaadaan kuwa khilaafaya amarka (nabi mmuxamed) inay ku dhacdo fitno ama cadaab


 xanuu badan).


 wuxuu yidhi magaranaysaa waxa ay tahay fitnada?


 fitnadaasina waa shirkiga, waxaana dhici karta marka la diido hadalka nabiga scw in qalbigiisa uu ku


 dhaco halow oo uu halaagsamo.


 Al beehaqi wuxuu soosaaray isagoo ka warinaya Mujaahid bin jabar oo taabici wayn ah inuu ka yidhi


 qawlka Ilaahay sw. ee ah


 {hadaad isku qabaatan wax diinta kamid ah u celiya ilaahay iyo rasuulkiisa}


 wuxuuna ku fasiray in celinta ilaahay tahay kitaabkiisa loo celiyo mida rasuulkuna sunadiisa loo celiyo.


Al Beehaqi wuxuu soosaaray in uu zuhri yidhi:


 Culimadii naga horeeyey waxay oran jireen in sunada laqabsadaa waa badbaado,


 Ibnu qudaamana wuxuu yidhi:kitaabkiisa Rawdatu An-naadir:markuu kasheekeenayay axkaamta


 usuusheeda:


 Asalaka labaad ee adilada waa sunada rasuulka scw hadalka rasuulkanu waa xujo kutusinaysa


 mucjiznimada runtiisa ilaahayna wuxuu na amray inaan rasuulka adeecno oo aan kadigtoonaano inaan


 khilaafno amarkiisa.


 intaas ayuu ku dhanyahay ujeedada hadalku


 Ibnu kathiir wuxuu yidhi markii uu tafsiirinayay hadalka Ilaahay:


 {Haka digtoonaadaan kuwa khilaafaya amarka (nabi mmuxamed) inay ku dhacdo fitno ama cadaab


 xanuu badan}


 Amarka Rasuulku scw waa wadadiisa iyo manhajkiisa iyo sunadiisa, hadal kastana waxaa lugu


 miizaamayaa hadalka iyo camalada Nabiga scw waxii waafaqa hadalkiisana waa la aqbali wixii khilaafana


 waa lugu celin kii ku hadlay ciduu doodana ha noqdee


 labada saxiixayn iyo kutubta kaleba waxay ka wariyeen Rasuulka scw inuu yidhi


 (Qofkii sameeya camal diinta laxiriira oo aan waafaqsanayn diinteena waa lugu celinayaa)


 ee haka baqeen oo haka digtoonaadeen inay khilaafaan shariicada rasuulka scw si hoose iyo si


 muuqataba


 inay ku dhacdo fitno wayn


 taas oo macnaheedu yahay in quluubta kaga dhacdo gaalnimo iyo munaafaqnimo iyo bidco


 ama uu haleelo cadaab xanuun badan


 wuxuu aduunka noqon karaa in lugu dilo ama xad lugu qaado ama laxiro iyo wixii lamid ah,


 Sida Imam Axmed ka wariyay C/risaaq kadibna Macmar kadibna Hammaam in uu yidhi:


 kani waa midkaan ka warinay Abuhurayrah oo leh:


 Rasuulku scw wuxuu yidhi:


 Tusaalahayga iyo kiinaba waxaa weeye sida nin shiday dab markuu ifiyay hareertiisana ay bilawday


 balinbaalista iyo cayayaankuba inay ku daataan dabkii isagna uu ka celinayo laakin ay isku tuurayaan,


 sidaas weeyi tusaalaheenu, waxan idinhayaa gunti-xirka si aydaan naarta ugu daadan, idinkuna waad


 fakanaysaan si aad ugu hoobataan.


 waxa soo saaray labadooda waa axaadiista uu wariyay C/risaaq


 Sheekh Suyuudi wuxuu ku yidhi kitaabkiisa miftaaxul Jannah fil ixtijaaj bi Sunah:


 ogaada ilaahay ha'idiin naxariitee in qofkii diida xadiiska Rasuulka scw ha noqdo hadalkiisa ama


 ficilkiisee yahay mid xujo ah in uu gaaloobayo oo uu ka baxayo xerada islaamka, lana soo xaadirayo


 qiyaamaha Yuhuuda iyo Nasaarada ama gaalada kaleba.


 hadalkaa ujeedadiisu intaasay ku eegtahay.


 raadadka laga wariyey saxaabada iyo culimada oo ah in lawayneeyo sunada iyo waajibnimada kucamal


 falkeeda iyo in laga digtoonaado in la khilaafana way badan yihiin.


 waxaan rajeenayaa waxaan sheegnay oo aayado iyo axaadiisba ah inay nugu filan tahay oo qancinaysa


 qofkii xaqa inuu raaco doonaya.


 anaga iyo muslimiintoo dhan ilaahay waxaan ka dalbeenaa inuu ina waafajiyo wuxuu karaali yahay iyo


 inuu naga badbaadiyo asbaabta keenta cadhadiisa. iyo inuu nugu hanuuniyo wadadiisa iyo tubta toosan


 ilaahayna waa kan maqla una dhaw adoomadiisa.


 Naxariis iyo nabad galyo ha ahaato korkooda adoonkiisa iyo Rasuulkiisa Nabi Muxamed scw.iyo ehelkiisa


 iyo saxaabadiisa iyo kuwii ku raacay wanaaga.


 Cabdil Aziiz bin Cabdullaahi bin Baaz (kdkdkdk)


 ilaahay ha u naxariisto


Ku camal falka sunnada iyo axaadiista Rasuulka s.c.w waa waajib Qofkii inkirana wuu gaaloobay


 Hordhaca Kitaabka:


 USUUSHALACUSKANAYOMARKALASUGAYOAXKAAMTA:



Recent Posts

MOSLIMO AHO. (MPINO S ...

MOSLIMO AHO. (MPINO SILAMO AHO)

Ku camal falka sunnad ...

Ku camal falka sunnada iyo axaadiista Rasuulka s.c.w waa waajib Qofkii inkirana wuu gaaloobay

Kan moom a bind AK lu ...

Kan moom a bind AK lu tax mu bind ma ?