
Habka ugu wacan oo lugu gaaro Nolosha
wanaagsan
Waxaa Qoray Shiikh cabdi raxmaan bin naasir al sicdi Ilaahay ha unaxariistee
Waxaan ku bilaabayaa Magaca Allaah Ee Naxariista Naxariis guud (Muslim iyo Gaalba, Dad iyo
Duunyaba) mid gaar ahna ugu naxariista Mu'miniinta (Maalinta Aakhiro).
Tarjumad kusaabsan shiikha kitaabka qoray
Risaaladan horteena taala waxay xariiqaysaa Nolosha dhabta ah uu raadinhayo uuna dadaalayo qofka
wuuna u ictimaadayaa arinkaa adilada quraanka iyo tan nabiga uu natusay. ninka mu'minka ah iyo
mujtamicu waa mida ayradinayaan, waayo waa wadada kaliya oo loo maro Nolosha ayado kudhisan alle
kacabsi iyo raali ahaanshihiisa. waxaa risaaldan iyo kitaabkaan qoray shiikha cilmiga badnaa: (cabdi
raxmaan bin naasir bin cabdalah aali sicdi) oo ku dhashay magaalada "cuneeza" Ee Qasiim oo katirsan
gobalka Najdi ee sucuudi ah. markuu yaraa ayay labadiisi waalid ay dhinteen laakin wuxuu ahaa nin aad
u maskax badan oo cilmiga jecel. Quraanka xifdintiisa ayuu bilaabay isagoo aad u yarlaba iyo toban jirna
wuu ku dhameeyey, isla markiiba wuxuu guda galay cilmiga barashadiisa culimada wadankiisa ayuu
kaqaatay iyo qeerkooda dadaalka ayuu badiyay ilaa uu kagaaray kaalin heer sare cilmiyada la barto.
markii ay ahayd ta'diisu sadex iyo labaatan jir ayuu bilaabay inuu isku keeno cilmiga barashadiisa iyo inuu
baro dadka kana faaiidaysto una faaiideeyo waqti badan ayuu kuqaatay dad badan way ku intifaaceen.
Culimadiisi waxaa kamid ah: sh: (Ibraahiim bin xamad bin jaasir) waa kii ugu horeeyey oo kutubta uu ku
aqriyey. sh; (Saalix bin cuthmaan) qaadigii cuneeza kutub badan ayuu kaqaatay sida fiqiga iyo
usuushiisa, towxiidka, tafsiirka, naxwaha aad buu ugu fiicnaa xaga tafsiirka iyo culuumtiisaba ilaa uu
kutakhasusay kutubtiisa tafsirka ah waxaa kamid ah: Taysiir al kariim al raxmaan Fii tafsiiri kalaam al
mannaan waana sideed qaybood. Taysiir al ladiif al mannaan fii khulaasati tafsiir alquraan. al qawaacid al
xisaan litaafsiir alquraan. kutubtiisa oo ay fiicantay in la keensado oo laga faaiidaysto waxaa kamid ah: al
irshaad ilaa macrifatil al axkaam. al riyaad al naadirah. Bahjatu quluubul abraar. Manhaj al saalikiin
watoodiix al fiqhi fi diin. xukmu shurbi al dukhaan wabeecihi washiraa'ihi. Al fataawa al sicdiyah. wuxuu
leeyahay sadex kutub oo ah khudbadaha minbarka, oo nafci badan. Al xaqul waadixu al mubiin bisharxi
towxiidil anbiyaai walmursaliin. towdiix al kaafiya al shaafiya (nuuniyati ibnul qayim).
kutub badan buu leeyahay: fiqi, towxiid, xadiis, al usuul, mujtamaca buxuus kusaabsan, jawaabaha
suaalooyin kaladuwan.
dhimashadiisa: waxaa kudhacay xanuun daran oo kusoobooday uu u dhintay habeen khamiis ah 23
bisha jamaadi 2 sanadka 1376 hijrada magaalada cuneeza, cid kasta oo taqaan ama maqashay ama
aqriyey kutubtiisa arinkaa wuu ka naxay, ilaahay ha'unaxariisto shiikha naxariis balaaranm, cilmigiisa iyo
kutubtiisa hananugu anfaco. Aamiin
Hordhaca kitaabka uu qoray shiikha
Ilaahay ayaa mahad leh kaasoo ay usugnaatay mahad oo idil, waxaan qirayaa in uusan jirin ilaah xaq
lagu caabudo Alla mooyee, iyo inuu nabi muxamed yahay adoonkii iyo rasuulkii ilaahay, (s.c.w)
intaa kadib; Qalbiga raaxadiisu iyo murug la'aantiisu waa wuxuu radinayo qof waliba, nolosha wanaagsan
iyo farxadaba iyo reereenta waxaa lugu gaaraa qalbiga oo raaxa helo, waana asbaabta diiniga iyo
dabiicigaba iyo asbaab xaga camalka ah, marka qof muslim ah uun baa heli dhamaantood,
laakiin qof aan muslim ahayn mahelayo arinkaa haba helee wax uun yar oo raaxa ah dadkooda caqliga
leh way kudadaalayaan, waxaana dhaafay wadooyin ka anfac badan oo ka wanaagsan xaga xaaladooda
iyo ciribtooda danbe.
laakiin halkaan waxaan kuugu sheegayaa wixii aan ka xasuusto asbaabta ugu waa wayn oo keena nolol
wacan oo qof waliba ugu jiro dadaalka siduu kuheli lahaa.
dadkii waxaa kamid ah kuwa heley asbaabta in badan markaasay ku noolaadeen nolol wanaagasan,
waxaana dadkii kamid ah dadkii kuwa raadinayo noloshaa oo ay wadadhaaftay oo markaa ku noolaaday
noqol aad uxun oo dhib badan.
dadna way u dhexeeyan arinkaa oo nolosha wanaagsan in bay ka haystaan ina way garb martay waana
sida asbaabtaa loo waafajiyay.
ilaahayna isagaa waafajiyo Nolosha asbaabahadeed hana noogukaalmeeyo khayr walba shartana
hanaga difaaco.
Cutub
Asbaabta tan ugu wayn ugna aslisan waa iimaanka iyo camalaka wanaagsan
Arinka Asbaabaha ugu wayn uguna aslisan waa iimaanka la rumeenayo ilaahay camalwanaagsana lala
imanayo,
Ilaahay koreeye wuxuu yiri:
Ruuxii sameeya camal wanaagsan ha'ahaado mid lab ama dhadig isagoo mu'min ah waanu
kunooleenaynaa nolol wanaagsan aduunka (risqi xalaal ah oo wanaagsan iyo qanaaco) aakhirana waxaa
lasiin ajri camalki ay sameeyeen adoonka
[suurada al-naxli: aayda 97]
Ilaahay wuxuu sheegay uuna yaboohay qofkii kulmiya iimaan iyo camal wanaagsan inuu helayo Nolol
wanaagsan aduunkan, iyo abaal marin wanaagsan aduun iyo aakhiraba.
sababtuna way iska cadahay, waayo mu'miniinta ilaahay si dhab ah u rumeeyey mirihiisana uu noqday
camal wanaagsan oo quluubta wanaajiya iyo akhlaaqda iyo aduunka iyo aakhiraba, waxayna haystaan
asal iyo aasaas ay kahelayaan wax walba oo u yimaada ha noqoto farxad ama murug iyo walbahaar.
wayna uqaabilaan si wanaagsan wixii farxad leh ama ay jecelyihiin wayna ka shukriyaan, una
isticmaalaan wax nafci leh iyagoo rajeenaya inay usiijoogto una barakoodo, iyo ajarka shukrinteeda, waa
umuur aad u wayn miraha lagahelo.
wixii xun ama uu dhib kujiro waxay u qaabilaan si kahortag leh iyo wixi suurtagal ah oo fudeedin ah, iyo
sabar aad u wanaagsan wixii sabar ubaahan, sabarka iyo ajar dalabka ilaah waa amuur aad uwayn oo
zuuliya wax kasta oo dhib ah oo kusoogaara, oo markaa ku badal qaadataa farxad iyo hididiila wacan iyo
dalbid fadliga ilaahay iyo ajarkiisa, siduu kusheegay nabig arinkan xasiiska saxiixa ahaa inuu ku yiri:
waxaa layaab leh mu'minka arimiihiisa oo arimihiisu oo dhan waa u khayr, oo haday kudhacdo arin farxad
leh wuu kushukrin sidaasna wuu ukhayr, hadayn utimaado arin dhib uu kujiro wuu kusabraa khayr bay
unoqotaa, arinkaasna mu'min uun baa lasiiyaa.
Waxaa wariyay Muslim
Nabiga s.c.w wuxuu sheegay inuu qofka mu'minka ah loolaba laabi ajarkiisa iyo khayrkiisa iyo camalkiisa
mirihiisa waxkasta oo u yimaada oo ah farxad ama murug.
sidaa darteed waxaad helaysaa laba ruux oo ay utimid wax khayr ah ama shar oo markaa kala
duwanaanayo sida ay uqaabilayaan sababtuna waxay u laaban iimaankooda iyo camal wanaagsan.
labadaa sifo aan soosheegayoo ah inuu kula kulmiyo khayrka iyo sharta shukrin iyo sabar iyo waxa
raacsan, markaasuu kaheli farxad,wuuna kazuuli murugta iyo walbahaar, laabtiisa oo ciriiri gasha, iyo
nolol xun, kadibna uu heli nolol aad u wanaagsan dunidan.
qofkii kalana wuxuu kala kulmi waxyaabaha wanaagsan shar iyo kibir, akhlaaqdiisi baa is badaleesa
markaasuu kunoolaal sida xoolaha ay unoolyihiin sina umaroon oo kale qolbigiisana maraaxeesanayo,
jiheeyin badan uu kala tagsanyahay
dhibka wuxuu uqaabilayaa argagax iyo cabsi, nolosha xun uu kujira marna cidna hawaydiin, iyo fikirkiisa
iyo maskaxdiisa oo cuduro xun ah oo aan ladaween karin, waayo waa qof aan karaja qabin wax ajar ah
sabarna maleh oo waxaa ka difaaca oo kafududeeya.
waana wax tajriba lugu ogaaday, dadka hadaad sifiican ugeegto xaaaladahooda waxaad arki laheed
farqiga wayn oo udhaxeeya qof mu'minka ah iyo aan ahayn qofka mu'minka ah iimaankiisa ayuu ku
camal fali waayo diinta ayaa ah mid faraysa kuqancida rizqiga ilaahay iyo waxa uusiiyay adoomada oo
kamid fadligiisa oo kaladuwan.
qofka mu'minka ah hadii ay kudhacda wax xanuun ah ama faqri ah ninkaasi wuxuu iimaankiisa
keensanayaa inuu kuqanco oo kuraali noqdo dhibkaa qalbigiisana wuu xasili oo wuxuu eegayaa cida
kahooseesa kar maya, farxad ayaa u ziyaadaya oo waa kafiicnaanayaa qof aduun oo dhan lasiiyay oo
qanaaca lahayn.
qofka aan iimaanka lahayn waxaad helaysaa markii uu faqriyo ama uu waayo waxyaabaha aduunka
loobaahanyahay wuxuu kunoolaan nolol xun oo liidato.
tusaale kale: insaanka haday kudhacdo asbaabta cabsida qofka iimaanka wanaagsan leh waxaad heli
inuu qalbigiisu uu suganyahay nafsadiisana ay xasilantahaywuuna awoodaa inu umuurtiisa usocodsiiyo
siduu rabo oo ah wuxuu awoodo oo fikir ah ama hadal ama ficil, nafsadiisana wuu baray sida uu ula
tacaamulo dhibabaka adag, xaaladahaasna wuu uraaxaysaa insaanka qalbigiisana way sugtaa.
waxaad helaysaa oo kale qofka aaan iimaanka lahayn inuu suganyahay sidaa waxaan ahayn oo marka
ay kudhacdo waxyaabaha cabsida leh waxaa kacaya damiirkiisa iyo xubnihiisa, afkaartiisana way kala
fogaan gudihiisana waxaa kusugnaan cabsi iyo argagax aan laga sheekeen karin wuxuu yahay,
dadka noocaas ah hadaysan helin asbaabta dabiiciga ah taasoo ubaahan tababar badan, waxaa
baaba'aysa awoodiisa acsaabtoodana way kici sababkuna waaa iimaan la'aan kaasoo sabarka siinlahaa,
qofka wanaagsan iyo kan faajirka ah, waxay wadaagaan waxayaabaha geesinimada keena laakiin
mu'minka wuxuu kaga fiicanyahay iimaankiisa oo ah adag iyo sabarkiisa iyo tala saarashadiisa ilaahay,
iyo ajar dalabka arimahaasaa u ziyaadinaya geesinimada, musiibadana ka khafiifinaya, sida uu ilaahayba
u yiri:
(Hadaad mu'minineey xanuusanaysaan gaalada way xanuusanayaan sideena oo kale laakiin idinku
waxaad karajeenaysaan ilaahay waxaysan iyagu karajeenaynin)
[suurada al-nisaa:104]
wuxuu heli markaa kalma ilaahay iyo gargaarkiisa taasoo kafogeenaysa wax kasta oo keena cabsi.
ilaahay kor ahaaye wuxuu yiri:
(Sabara dadow waayo ilaahay waxuu lajiaraa kuwa sabra)
[suurada al-anfaal:46]
Asbaabta zuulisa murugta waxaa kamid ah: dadka oo ixsaan loosameeyo hadal ama ficilba, iyo nooc
kasta oo wanaag ah.
dhamaantoodna waa khayr, ilaahayna ixsaankaa wuxuu kaga difaacayaa murugta qofka wanaagsan iyo
kan aan wanaagsanaynba, laakiin qofka mu'minka ah ayaa ku nasiib abdan, wuxuu dheer yahay in uu
usameeyay wanaaga ilaahay dartii, iyo ajar doonis markaa waxaa usahalnaanayo wax bixinta ,waayo
khayr buu rajeen, waana laga difaaci dhibka ikhlaaskiisa iyo ajar dalabkiisa darteed, ilaahay wuxuu yiri:
in badan oo faqyada ay dadka faqaan kamid khayr kuma jiro waxaan ahayn faqa kudhisan in lay faro in
labixiyo wax sadaqa ah ama wanaag ama heshiisiin dadka dhexdooda ah qofkii sidaa sameeya asoo
raadinaya rali ahaansha ilaahay waxaa lasiin ajar aad u a=wayn.
[suurada al-nisaa:114]
ilaahay wuxuu sheegay in umuurahaas oo dhan ay yihihiin khayr, khayrkuna khayr buu keensadaa,
shartana wuu reebaa ,qofka mu'minka ah ajar baa lasiiyaa niyadiisa darteed, ajarka wayn waxaa kamid
ah:
Murugta iyo tiiraanyada iyo waxa lamid ah oo takta.
Cutub
asbaabta lagaga hortago dhibka kayimaada acsaabta oo kacdo iyo qalbiga waxyaabaha uu kumashquulo
waxaa kamid ah asbaabta lagaga hortago dhibka kayimaada xaga acsaabta iyo dareeemayaasha oo
kacdo iyo qalbiga oo kumashquulo waxayaabaha dhibka ukeena:
waa inuu kumashquulo camal ama cilmi faa'ido leh, waxay kamashquuliyaan waxa qalbiga kujira oo
murug ah iyo asbaabteeda, naftiisana way farxi, firfir coonidiisa way kordhi, arinkaana way
wadawadaagaan mu'minka iyo qeerkiisaba, laakiin muminku wuu kaduwanyahay kaa iimaankiisa iyo
ikhlaaskiisa, wuuna kucamal fali khayrka uu bartay.
waxa haday cibaada tahay waa cibaado, waxaa haday yihiin shuqul aduun niya wanaagsan iyo daacad
ilaahay buu la'iman
raad wacan bay leedhay oo lugu difaaco, waxaa badan qof lagu ibtileeyay murug iyo walbahaar oo
cuduro badan lakulmay oo ay dawadiisa ay noqotay:
inuu hilmaamo sababkii murugta keenay oo markaa kumashquulo camal kale.
waxaana haboon shuqulkaa inuu noqdo waxnaftaada ay jeceshahay, taasaana u dhaw in aad hesho
nafcigii, ilaahay ayaana ku cilmi badan.
waxyaabaha looga hortago walbahaarka iyo hamiga:
fikirkiisa oo dhan waa inuu kumashquuliyaa camalka markaa taagan, mustaqbalka uu hakiyaa, iyo
murugta wixii lasoo dhaafay,
sidaa darteed nabigu wuu kamagan gali jiray xuzniga iyo tiiraanyada, waxaasna waxaa keena cabsida
mustaqbalka, wuuna dadaali inuu hagaajiyo maalintiisa, arintaas ayuu adoonka isku sabarsiin.
Nabiga s.c.w haduu ku ducaysto duco ama uu u tilmaamo umadiisa duco arintaasna waxay kuboorin
kaalmada ilaahay iyo dalabka fadligiisa iyo kudadaal sida loo heli lahaa, waayo ducadu camlka ayay
laxiriirtaa, adoonka wuu kudadaali waxa anfacayo diinkiisa iyo aduunkiisa sida nabiga uu yiri:
kudadaal wixii ku anfacaya ilaahayna kaalmo waydiiso hana kacaajizin, haduu kugu dhaco arin haoran;
hadii aan sidaa sameen lahaa saad bay wax udhici lahaayeen, laakin dheh: waa wax ilaahay qadaray
wuxuu doonana wuu sameeyaa, waayo kalimada low waxay furtaa camalka shaydaanka
Waxaa wariyay Muslim
Nabigu s.c.w wuxuu jamciyay in uu qofku noqday mid ku dadalo umuurad fiican, iyo in ilaahay lakaalma
waydiisto iyo inaan laysku dhiibin caajiznimada, ama inuu noqdo mid isku dhibay wixi tagay ama mid
sugo wixii loo qadary xaga rabi.
umuurta wuxuu kayeelay laba qeebood:
qeeb waa wuxuu kari karo aduunku inuu u sacyiyo ama inuu kaheli wixii soortagal ah, ama in laga
khafiiiyo wixii uu dadal umaro rabina u kaalmaysto.
qeeb labaadnna suurtagal ma'aha inuu helo, marka waa inuu kuxasilaa adoonku uuna raali kunoqdaa,
sababtaasna waa asal wayn uu lugu helo farxad iyo murug zuusha.
Cutub
Asbaabta ugu wayn oo laabtu kuxashisho
Asbaabta ugu wayn oo ay laabtu kuxashisho waxaa kamid ah
in labadiyo xuska ilaahay arintaasna waxay laabta kueebtaa raad cajiib ah wayna kaqaadaa wixii murug
ah, ilaahay wuxuu yiri:
(xusida ilaahay ayay quluubta kuxasilantaa)
[suurada al-racad:28]
xuska ilaahay wuxuu kureebi raad aad uwayn inuu helo arinkaa, iyo rajeenta ajarka arinkaa.
Nicmada oo laga sheekeeyo teeda muuqata iyo taan muuqanba, waxaa lugu reebaa muruga iyo hamiga,
adoonkana waxay kuboorisaa shukrinteeda haba kuusugnaado adoonka xaalad faqri ama xanuun.
haduu qofku isbarbardhigo nicmadaha uu ilaahay ogalay iyo waxa asiibay oo dhib ah maba layshoos
keenikaro.
bal waxa kudhaca oo makruuh ah haduu kaga hortago sabar iyo raaliahaansho, way usahanlaanlahayd,
haduu qofka rajeeyo ajarkeeda oona layimaado sabar, waxay unoqon lahayd waxa qadhaadh wax
macaan.
waxaa kamid ah waxyaabaha ugu anfac badan meelahan:
waa inuu isticmaalaa wixii uu nabigu nootilmaamay xadiiska saxiixa ahaa markii uu yiri:
dadow waxaad eegtaan dadka idinka hooseeya oo ha'eegina kuwa idinka sareeya, sidaasaa udhaw
inaydaan xaqirin nicmada ilaahay
waxa wariyay Bukhaari iyo Muslim
adoonka haduu hortiisa sifiican u eego arintaa wayn, wuxuu arki inuu kasareeyo in badan oo dadka
kamid ah xaga caafimaadka iyo waxa raacsan, rizqiga, waxaa kazuuli murugta, waxaana uziyaadi farxad
uu ku farxi nicmada ilaahay uu kagasara maray dadka kale.
qofka hadii sifiican u eego nicmada ilaahay kuwooda muuqda iyo kuwooda qarsoon, wuxuu arki rabigiisa
inuu siiyay khayr aad ubadan shar badana uu kadifaacay, arinkaana shaki kuma jiro inuu kahortago
murugaha, uuna keeno farxad.
Cutub
Asbaabta waajibisa ama keenta farxada hamigana taksiisa
Asbaabta waajibisa ama keenta farxada hamigana taksiisa waxaa kamid ah:
in lugu dadaalo asbaabta zuulisa murugta iyo waxa keena farxadaha, waxeena kutimaada in uun la
hilmaamo wixii tagay makruuh ah, qalbigaaga kula dadaal inaadan kufakirin hada iyo mustaqbalka, faqri
iyo cabsi.
wuxuu ogaan inay umuurta mustaqbalka ah uu majhuul kayahay waxa dhacahay oo khayr ama shar ah,
ilaahay gacantiisa ayay kujirtaa, dadka uun wuu dadaali sida khayr lookeeni karo dhibna loo zuulin karo
wuxuu adoonku ogaan haduu fikirkiisa kaleexiyo waxa murugtiisa ah suu uhelo mustaqbal wanaagsan,
uuna tala saarto rabigiisa siduu u islaaxinlahaa, qalbigiisa ayaa xasili lahaa murugtana way kazuuli
lahayd.
wxaa kamid ah waxyaabaha ugu nafci badan oo mustaqbalka lugu eego:
in duwadaan la isticmaalo siduuba nabiga ugu duceesanjiray:
ilaahayow ii hagaaji dintayda iyo aduunkayga ay kujirto noloshayda, iyo aakhiradayda oo ah taan u
noqonhayo, noloshana iigaga dhig mid aan khayrka ku ziyaadsado, geerida aan kaga raaxaysto dhib oo
dhan
Waxaa wariyay Muslim
sidoo kale hadalkii nabiga:
ilaahayow raxmadaada ayaan rajeenayaa ee ha'ii tala saaran nafsadeeda wax ilbiriqsi ah, amarkayga oo
dhan kayeel mid wanaagsan, ilaahay xaq lugu caabudo majiro adiga ilaah mooyee.
[Waxaa sanad saxiix ah ku wariyay abuu Daawuud]
haduu adoonka uu kudhawaaqo ducadaa qalbi joogana layimaado iyo niyad wacan, iyo kudadaal arinkaa
ilaahay wuu usugi wuxuu kudacaystay iyo wixii rajeeyay murugtiisa waxay isku badali farxad.
Cutub
Asbaabta ugu nafciga badan ee zuuliya murugta iyo hamiga marka ay ku dhacdo adoonka musiibada
Waxaa kamid h asbaabta ugu nafciga badan ee zuuliya murugta iyo hamiga marka ay ku dhacdo
adoonka musiibada
waa inuu kudadaalo siduu ukhafiifin lahaa waana inuu qadaro tan ugu xun waxa dhicikaro waana inuu
naftiisa baro arinkaa sidaas ay kuzuuli murugta badalkeeduna wuxuu ahaan:
kudadaalid in nafci lakeensado dhibna layka riixo taaso usahlan adoonka.
haday ay ku dagto asbaabta cabsidaiyo cudurada iyo faqriga wuxuu kaga hortagi xasilooni iyo nafta=a oo
arintaa kacaadi dhigato ku sabarkeeda musiiba kasta isdaas baa ka zuulinaya dhibkeeda,
khaas ahaan marka uu naftiisa kumashquuliyo inta awoodiisa ah, nafta oo kacaadiga dhigo xasilooni iyo
kudadaalid nafci badan oo kamashquuliya inuu ihtimaam siiyo masaa'ibta, awoodiisan uu kaga hortagi
lahaa dhibka marka wuu dardargalin iyadoo ay lasocoto talasaarashada ilaahay iyo kalsoonida ilaahay,
shaki la'aan waxaa ah faa'iiada ugu wayn oo arinkaa laga helayo ay tahay farxad iyo laabta oo uwaasic
noqoto iyo rajeen ajar dagdag iyo dib ah, waana wax latijaabiyay oo la'arkay, dadka jaribayna ay aad
ubadanyihiin.
Cutub
waxa ugu wayn oo lagu daweeyo xanuunada qalbiga iyo kuwa jirka
waxa ugu wayn oo lagu daweeyo xanuunada qalbiga iyo kuwa jirka waxaa kamida
qalbiga oo adag oo aan kadamqan owhaamta iyo ismoodsiinta ay keento fikiradaha xun, waayo insaanka
marka uu isku dhiibowaxyaabahaa ee badala qalbiga;
cabsida xanuunka laga cabsado, iyo xanaaqa iyo tashwiishka oo uu sababo xanuunada, iyo dhib inuu
dhaco oo lafisho, iyo zuulida waxyaabaha la jecelyahay toosoo qofka kurida huumuum iyo murug iyo jiro
ah xaga qalbiga iyo jirka oo ay arkayaan dad badan dhibkaas badan.
marka uu ictimaado qalbiga ilaahay uuna tala saarto ilaahay, uuna isku dhiin=bin owhaamta xun, oo
ilaahayna uu kukalsoonaado rajeeyana fadligiisa markaa waxaa kabaxaya murug iyo xanuun kasta
qalbigana wuxuu heli farax iyo awood iyo waasicnimo, waxaana aad ugu badan isbiltaalada dad uu hayo
xanuunka owhaamta ah iyo wax xun oo layka dhaadhiciyo,
waxaa badan inta ay umuurahaa raad kuyeelatay quluubta dad badan oo ah kuwo awood iyo xoog leh,
iskaba daa kuwa ducafa ah, imisay ayay keentay doqon'nimo iyo waalnimo waxaa kabadbaado qofkuu
ilaahay kacaafiyo uuna waafajiyay inuu naftiisa la jihaado suu uhelo asbaabta nafciga leh oo xoojisa
qalbiga oona kadifaacda welwelka, ilaahay wuxuu yiri:
(qofkii tala saarta ilaahay kaliya isaga ayaa kufilnaada)
[suurada al-dalaaq:3]
macnaha: ilaahay ka ilaalinhayo waxkasta oo muhiim kuu ah oo diin iyo dunya ah
qofka ilaahay talasaarta qalbigiisu wuu adkaan wax owhaam ahama wax dhacay wax mayeelayaan
ogaan uu ogyahay dardeed arinkaa inuu yahay waxyaabaha daciifiya nafta, wuxuuna ogyahay in uu
ilaahay u kafaalad qaaday cidii talasaarata kafaala dhamaystiran, markaa ilaahay buu kacabsan oo
balantiisa ayuu kuxasili oo waxaa kazuuli murugta iyo tawaturka, oo waxaa isbadalaya culayskii saarnaa
fudeed, cabsidiisana amaan,
ilaahay baan waydiisanaynaaa in uu caafiyo, uuna nasiiyo quwada iimaanka iyo inuu nugusugo
tawakulka oo dadkeeda lasiiyo khayr oo dhan, wuuna kadifaacaa dhibkasta.
Cutub
hadalka nabiga s.c.w: Manaco nin mu'min ah xaaskiisa mu'minada ah
hadalka nabiga waxaa kusugan laba faa'iido oo waa wayn:
Manaco nin mu'min ah xaaskiisa mu'minada ah haduu dabeecad kunaco midka ayuu kaga raali noqdaa
oo dabeecad wanaagsan ah
Waxaa wariyay Muslim
midkood waxaa weeye:
tilmaan ah sida loola tacaamulo xaaska iyo qaraabada iyo saaxiiblka iyo zabuunka, iyo qofkasta oo xiriir
idinka dhexeeyo, oo waxaa wanaagsan inaan naftaada bartid inuu qof walba uu leeyahay wax dhaliil ah
aad kunecebtahay marka isku barbardhig oo wixii waajib ah guto oo baaqi yeelaya jeceelka, waana inuu
xasuusnaado wixii wanaag ah khaas ahaan amaa caam ahaan,
arinka ah in layska indhalaabo waxa xun oona laeego halka wanaaga baa saaxiibnimada ku daaimtaa
raaxana lugu helaa.
Faa'iidada labaad:
waana inuu zuulo hamiga iyo tawaturka, iyo u istaagiga xuquuqda waajibka ah ama sunada ah, raaxana
ay kahelaan, qofkaan qaadan wuxuu inuu sheegay nabiga s.c.w bal qaata inuu eego xumaanta uun uuna
iska indhatiro wanaaga, waxaa laabada ah inuu walwal kunoolaado, jaceelka wuu xumaan xuquuqdine
way go'i oo ay eheed in laxafido.
dadka in badan oo ah kuwo hamigooda aad usareeyo waxay laqabsaden sida ay ugu sabraan waxyaaba
waa wayn dhibabka ah, laakiin umuuaha yar yar way wareeri oo murugoon,
sababtuna waa inay isbareen umuuraha waa wayn oo kaliya markaasaa dhibaatoonka yar yar raaxa ay
udiiday, qofka adag oo naftiisa bara umuuraha koodawaa wayn iyo tan yar yar, ilaahayna waa inuu
waydiisto inuu ugu kaalmeeyo arinkaa waxaa usahlanaan waxa yar sida waxa wayn oo klae, qalbigiisana
wuu xasili.
Cutub
ninka caaqilka ah wuxuu ogyahay nolosa saxda ah waa mida aad uwanaagsan oo xasilan waana
ogyahay inay aad ugaabantahay
qofka caaqilka ah wuxuu ogyahay nolosha saxda ah oo xasilan aad bay ugaabantahy, marka mahaboona
inuu kugaabiyo murug, farqina umadhaxeeyo kan mu;minka ah iyo kan gaalka ah, laakiin mu'mina wuxuu
haystaa nasiib ka wanaagsan oo ka nafci badan kiisa dagdaga ah iyo dib ah.
waxaa haboon sidoo kale haduu asiibo dhib ama cabsideeda inuu isbarbardhigo nicmada uu haysto iyo
waxa asiibay oo makuuh ah, markaa waxaa u cadaanhaya nicmooyinkaa, musiibadina meesha ayay
kabixi.
sidoo kale waxa uu kacabsanhaya oo ah inay dhib utimaado iyo rajooyinka badan oo suurtagalka ah inuu
kabadbaado marka taasuu qaadan waxa daciifka ahna wuu katagi.
saa waxaa kuzuuli hamigiisa iyo cabsidiisa, natiisa wuxuu bari siduu ulaqabsanlahaa haday musiibadaa
dhaco, waxaan wili dhicina wuu iska difaaci wixii dhacana wuu iska qaadi ama wuu iska khafiifin.
umuurta nafciga leh waxaa kamid ah:
inaad ogaatid dhibka ay kudhibaab dadka khaas ahaan hadalada xun, kuma dhibayo, ayaga uun buu
dhibi, hadii aad isku mashquulisid way kudhibi sidooda oo kale, marka dan ha'ugalin kuma dhibaysee.
ogoow noloshaada waxay raasantahay waxaa fikirka kuhayso, haduu fikirkaa uu yahay mid wanaagsan
noloshaadana waa sidaa mid lamid ah, hadii fikiraa uu yahay mid xun noloshaana waa mid xun.
waxyaabaha ugu muhimsan oo lugu zuuliyo murugta waxaa kamid ah:
bar naftaada inaysa kadalbin in lugu shukriyo ilaahay mooyee cid kale, hadii aad qof u ixsaan fashid xaq
hakugu lahaado ama maya ogoow inaad la tacaamuleesid ilaahay, siduu ilaahy u yiri tilmaan kuwi isaga
khaaska u ahaa:
Waxaan idiin quudinaynaa ilaahay daraadii oo idinkamadoonayo wax abaalmarin iyo shukrin
[suurada al-insaan:9]
arintaa waxaa la adkeeyaa marka oo qofku latacaamulayo ehelkiisa iyo caruurtiisa, hadaad sharta
kacilaaliso waad raaxaeesatay,
waxyaabaha keena raaxada waa in laqaato wixii uu fadli kujiro naftana ay sameen karto iyada aan
lakalifeen oo keeni karta murug, iyo faa'ida la'aan, waana sida xikmada ay kujirto, saas ayay kuziyaadaa
inay nafta ahaato mid saafi ah, waxa dhibana ay joogin.
umuurtaada nafciga leh kayeel hortaada sidaa u kasban lahaydna kudadaal, hana milicsan waxa dhibka
uu kujiro oo keenikara murug iyo walbahaar waxaa kaalma kadhigataa raaxada iyo acmaasha
wanaagsan.
umuurta nafciga leh waxaa kamid ah:
shaqada oo aad iska dhameesid islamarka oo aad mustaqbalka ufiraaqooday, waayo acmaashu way
isgaari oo kugu badan markaasay kugu adkaan
waxaa haboon inaad kadooratid acmaasha kuwooda nafciga leh iyo sida ay ukala muhimsanyihiin iyo
naftaada ay jaceshahay, laakiin waxaan naftaada ay jecleen waxaa lagadhaxlaa daal iyo noog iyo kibir,
fikir wanaagsan iyo wadatashi kaalmayso, mashalaayo qofka dadka latashto, sifiican udiraasee wixii aad
sameenaysid, maslaxadiisa markii lahelonilaahay utalasaaro waayo ilaahay wuxuu jecelyahay kuwa
isaga talasaarta.
Mahad oo idil waxaa leh rabiga uumay caalamka, Amaan iyo nabadgalyo ha'ahato Nabi muxamed
dushiisa iyo ehelkiisa iyo saxaabadiisa.
Habka ugu wacan oo lugu gaaro Nolosha wanaagsan
Tarjumad kusaabsan shiikha kitaabka qoray
Hordhaca kitaabka uu qoray shiikha